Himilo – Jose Mourinho ayaa doonayay inuu daafaca dambeedka dhexe ee Real Madrid Raphael Varane ka dhigto saxiixiisii ugu horreeyay markii uu noqday macallinka Manchester United xagaagii 2016.
Varane ayaa ka hoos ciyaaray Mourinho billowgii waayihiisii ciyaareed ee Los Blancos, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa tan iyo markaas u saftay ku dhawaad 300 kulan kooxdiisa Isbaanishka tartamada oo dhan.
Sida laga soo xigtay AS, markii uu yimid Old Trafford 2016, Mourinho wuxuu durbadiiba indhaha ku hayey inuu heshiis la gaaro 26 jirka, kaasoo loo arkay ciyaaryahan awood u leh inuu beddelo difaacooda.
Si kastaba ha noqotee, warbixinta ayaa sheegeysa in Zinedine Zidane uu ka dhaadhiciyay Varane inuu iska fogeeyo xiisaha Premier League oo uu kusii nagaado caasimadda Spain.
United ayaa beddelkiisa u dhaqaaqday Eric Bailly inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga, ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa inta badan ku dhibtooday inuu saamayn ka sameeyo Old Trafford sabab la xiriirta dhaawacyo dhowr ah oo is xig xiga.
Kooxda heysata horyaalka Ingariiska 20-ka jeer ayaa jabisay rikoorkii suuqa kala iibsiga ee daafaca dhexe iyadoo bixisay 80 milyan ginni oo ay kaga soo iibsadeen Harry Maguire bishii hore Leicester City.