Home / Habka-Nolosha / Mourinho oo isha ku haya David Luiz.

Mourinho oo isha ku haya David Luiz.

Muqdisho – Tababaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqo daafaca dhexe ee kooxda Chelsea, David Luiz, sida ay qortay Express.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa isha ku hayay xaaladda ciyaaryahanka reer Brazil ka dib markii uu ka maqnaa ciyaartii ay kooxdiisu la ciyaartay Manchester United laba Isbuuc ka hor.

Luiz ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay liiska tababaraha Chelsea, Antonio Conte ka dib markii uu su’aal ka keenay xeeladiisii kulankii Blues ay 3-0 kaga badisay Roma.

Jose Mourinho iyo David ayaa kasoo wada shaqeeyey Chesea, haddii ay dhacdo in uu Jose Mourinho uu lasoo wereego David Luiz wuxay ka dhignaan doontaa in uu macalinkan uu kooxdisii hore kasoo qaatay ciyaaryahankii labaad oo muhiim ah waxuuna horay ugala soo wereegay laacibka qadka dhexe ee Matic.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan