Muqdisho – Xiddiga reer France ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado muddo, kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray laacibkan, sida laga soo xigtay macalinka kooxda Manchester United.
Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa rajeynaya in xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba uu seegi doono garoomada isbuucyada soo aadan kadib dhaawac muruqa ah oo looga saaray ciyaartii ay xalay la ciyaareen naadiga Basel oo ka tirsanayd Champions League kuna adkaatay 3-0.
In kastoo Mourinho uusan weli hubin inta uu maqnaan doono laacibka xulka France, hadana tababaraha reer Portugal ayaa sheegay in dhowr isbuuc ciyaari doonin.
“Khibradeyda, dhaawacyada murqa ah way kaa joojinayan inaad ciyaarto dhowr isbuuc kubadda,” ayuu yiri Jose Mourinho.
Pogba ayaa sameeyay bilaabasho cajiib ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay labo gool, isla markaana caawiye ka noqday labo kale afar kulan oo Premier League ah oo uu United u ciyaaray xagaagan.
Waxa uu u muuqdaa inuu seegi doono kulanka Axadda ee Everton, halka kooxda Mourinho ay sidoo kale la kulmi doonaan naadiyada Burton Albion, Southampton, CSKA Moscow iyo Crystal Palace inta lagu guda jiro bishan September.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.