Home / Habka-Nolosha / Mourinho oo ka walaacsan heshiiska sii dhamaanaya ee Marouane Fellaini

Mourinho oo ka walaacsan heshiiska sii dhamaanaya ee Marouane Fellaini

Muqdisho – Tababaraha kooxda Man Utd, Jose Mourinho ayaa qiray in uu ka walwalsanyahay heshiiska laacibkiisa qadka dhexe ee Marouane Fellaini kaas oo kamid ah xiddigaha uu sida gaarga ah u ixtiraamo.

Heshiiska Fellaini ayaa idlaanaya dhammaadka xili ciyaareedkan, kadib markii ay United-ku ku fashilantay in ay heshiis ka saxiixato muddo hal sano ah, kaas oo uu ka caga-jiiday laacibkan tima-weynaha ah ee reer Biljim.

Marouane ayaa dooq u heysta in uu dhageysto dalabyada kasoo gaaraya kooxaha doonaya heshiiskiisa bisha Janaayo, waase si ay United u hesho lacag kaga timaada dhanka kooxaha isaga doonaya, haddii uusan saxiixin qandaraas cusub ama uusan kooxda ka tagin bisha bilawga u ah sanadka soo aadan, wuxuu si bilaash ah kaga tagi doonaa Manchester bisha June ee bartamaha 2018 oo ah marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

29-jirkan ayaa door muhiim ah u ciyaaray sanadkan United, isaga oo dhaliyay afar gool sideed kulan oo uu ciyaaray.

Si lamid ah Mourinho waxa uu ka hadlay difaaciisa Luke Shaw oo isna heshiiskiisa uu dhamaanayo marka uu idlaado xagaaga soo aadan, wuxuuna ka fakarayaa macquul ahaanshiyaha uu Fellaini kusii joogi karo Masraxa riyada.

“Waxaan ka walwalayaa waxa ku saabsan Fellaini, maaha Luke Shaw, maxaa yeelay Fellain Heshiiskiisu wuu dhamaanayaa, Luke Shaw Maya,”ayuu yiri Mourinho.

Fellaini ayaa kusoo biiray Manchester United isagoo ka yimid  Everton £27.5m ayuuna kuyimid bishii September sanadkii 2013 wuxuuna noqday mid muhiim ah tan iyo markii yimid Mourinho garoonka Old Trafford.

Juan Mata, Ander Herrera, Daley Blind iyo Ashley Young ayaa dhamaantood u baahan in heshiiyada loo kordhiyo iyadoo mid kasta uu fursad u heysto inuu sii dheereysto hal sano oo kale.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan