Home / Habka-Nolosha / Mourinho oo ku niyad weyn in Ibrahimovic ciyaari karo kulanka Man City.

Mourinho oo ku niyad weyn in Ibrahimovic ciyaari karo kulanka Man City.

Muqdisho – Weeraryahanka reer Sweden ayaa seegay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Arsenal, laakiin waxaa laga yaabaa inuu kusoo laabto kulan ay kooxdiisu la ciyaari hoggaamiyeyaasha Premier League ee sanadkan.

Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa aaminsan in Zlatan Ibrahimovic uu ku bilaaban karo kulanka Manchester Derby.

United ayaa wajihi doonta kooxda hoggaanka heysa ee Manchester City Axadda, iyaga oo doonaya inay soo jaraan farqiga ah siddeedda dhibcood ee u dhexeeya iyaga iyo kooxda uu hogaaminayo Pep Guardiola, oo 2-1 ku garaacday West Ham United kulankii ugu dambeeyay ee Etihad Stadium.

Ibrahimovic ayaa seegi doona kulanka Champions League oo ay la leeyihiin CSKA Moscow Talaadada, laakiin Mourinho ayaa soo jeediyay in 36 jirkan uu kusoo laaban karo line-upka kooxda marka ay soo dhaweynayaan kooxda hoggaanka u heysa horyaalka.

“Zlatan ma dhaawacan,” ayuu yiri Mourinho. “Mararka qaar wuxuu u baahan yahay shaqo xoogaa adag oo ku saabsan aagga muruqa taas oo ka taageereysa dhibaatada ka heysata Jilibka.”

Ibrahimovic ayaa kasoo laabtay dhaawac jilibka ah kulankii Newcastle United, tan iyo markaas wuxuu kasoo muuqday kulamadii Basel, Brighton iyo Watford. Si kastaba, wali ma uusan dhameysan 90 daqiiqo.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan