Himilo FM –Macallinkii hore Man Utd ee Jose Mourinho ayaa shaaciyay kooxaha imaan kara kama danbeysta tartanka qaaradda Yurub ee UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Tababaraha reer Portugal ayaa magacaabay kooxaha Juventus iyo Barcelona inay kuwa ugu xooggan ee Champions League isaga oo saadaaliyay in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay tiigsan karaan finalka.
58 jirkan oo la hadlyay warbaahinta France ayaa yiri “Juventus iyo Barcelona waa labada musharrax ee ugu weyn fasal ciyaareedkan Champions League, laakiin sidoo kale waxaa jira kooxaha England, Ajax and Porto.”
Waxa uu intaa raaciyay “ qof waliba waxa uu ka hadlaa waxa ku saabsan Ronaldo iyo Messi, laakiin annigu waxaan door bidi laha ka hadalka Juventus iyo Barcelona.”
Juventus ayaa la ciyari doonta Ajax seddex dhammaadka tartankan halka kooxda Barcelona ay iyaduna qaabili doonto naadiga Manchester United.