Muqdisho – Macalinka Man United, Mourinho ayaa sheegay in Pogba uu maqnaan doono kulamo dhowr ah kadib dhaawicii soo gaaray.
24-jirkan saameynta leh waxaa laga saaray daqiiqadii 19aad ciyaartii Basel ee UCL ay kaga adkaadeen.
Pogba oo tiir-dhexaad guulaha bilowga fiican ee kooxdu ka sameysay furitaanka horyaalka EPL ayaa la arkayay isaga oo laga sii huleelinayo garoonka.
Mourinho ayaana xaqiijiyay in laacibkan uu seegi doono kulanka kooxda ay maanta kala hortagi doonto Everton iyo kulamada xiga.
“Ma ogi,” ayuu yiri mar la weydiiyay inta uu garoomada ka maqnaan doono laacibka kadibka kulanka Everton.
“Waxaa haleelay dhaawac muruqa ah, mana aqaan haddii uu kasoo kabsan karo kulmada soo socda.”
“Ma aqaan inta kulan oo aan ciyaari doonno la’aantiis, hayeeshe waxaan heysannaa laacibiin kale.”
Adrea Harar kaas oo aan lagu darin kulankii ay guusha kala yimaadeen Basel ayaa lagu wadaa inuu buuxiyo booska Pogba.