Home / Habka-Nolosha / Mourinho oo xaqiijinaya in de Gea uu sii joogayo Man U sanadka xiga.

Mourinho oo xaqiijinaya in de Gea uu sii joogayo Man U sanadka xiga.

Muqdisho – Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in goolhayaha kooxda uusan sandkan ka tagi doonin naadiga – isla markaana uusan ku biiri doonin Real Madrid.

26 jirkan ayaa waqti dheer lala xariirinayay Los Blancos; markii ugu dhaweyd ee uu ku biiri karay waxay ahayd maalintii ugu danbaysay ee suuqa kala iibsiga labo sano kahor inta uusan fashilin madaxa fulinta ee Manchester United.

De Gea ayaa lala xariirinayay inuu dib ugu laaban doono caasimadda Spain tan iyo markaas, laakiin Mourinho ayaa ku adkaysanaya in uusan sanadkan iib ahayn goolhayihii hore ee Atletico Madrid.

“Waan idiin xaqiijin karaa isagu ma baxayo sanadkan; taas waan awoodaa; waxaan dareemayaa in ay aad ugu adkaan doonto in uu baxo, maxaa yeelay waa wiil daacad ah,” ayuu u sheegay saxaafadda.

De Gea ayaa sameeyay 269 soo muuqasho oo Red Devils ah lix sano oo uu ku sugan yahay Old Trafford, wuxuuna ku guulaystay toddobo koob oo waaweyn intii lagu guda jiray waqtiaas.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan