Home / Habka-Nolosha / Mourinho: “Pogba maanta waa raqiis, marka mustaqbalka la eego.”

Mourinho: “Pogba maanta waa raqiis, marka mustaqbalka la eego.”

Muqdisho – Macalin Jose Mourinho ayaa qaba in  laacibka ay rikoorka adduun lacageed ee lagu iibsado ciyaartoy kusoo xera-galiyeen ee Paul Pogba uu mustaqbalka u muuqan doono mid raqiis ah marka ay timaado iibsashadiisa.

Kooxda United-ka ayaa adduun gaaraya 89 malyuun laacibkan kagala soo wareegtay naadiga Juventus taas oo ka dhigtay laacibkii ugu qaalisanaa ee abid lacagtaas lagala baxo.

Tani ayaa ku timid markii Pogba uu bandhig layaab leh ka sameeyey horyaalka Italian Seria A.

Hadda oo ay ku qaadatay waqti inuu dib uga dhex muujiyo tayadii lagu yiqiin horyaalka England PL, macalinka reer Portugese ayaa qaba in laacibkani wadada ku hayo meel ka dheer meeshii ay shalay ugu tageen markii ay lasoo wareegayeen.

“Waxaan u jeedaa is-baddal dhacaya waqtiga dhow. Waxaana arkayaa in laacibiin badan uu is badal ku imaanayo heerarka ay taagan yihiin,” ayuu yiri Mourinho. “Laacibka Pogba wuxuu noqon doonaa mid raqiis ah marka loo eego qiimaha berrito lagu raadin doono.”

Tani laga yaabe inaysan u muuqan dad badan oo aysan saadaasha ku darsan, hayeeshe way ii muuqataa.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan