Home / Habka-Nolosha / Mourinho: “Waxaan jeclahay in Arsen Wenger uu ku nagaado gegida Emirates.”

Mourinho: “Waxaan jeclahay in Arsen Wenger uu ku nagaado gegida Emirates.”

Muqdisho РMaareeyaha Manchester United, macalin Jose Mourinho ayaa sheeganaya inuu ku qalbi fiican yahay joogitaanka dhiggiisa Arsen Wenger gudaha England gaar ahaan kooxdiisa Arsenal.

Macalinka reer Portuguese aalaaba ma ahaan jirin taageeraha ugu weyn Wenger taas oo lala tiirinayo loolanka adag ee labadooda dhex-maray muddo sanado ah oo ay wada joogeen horyaalka England PL.

Mourinho ayaa hadda u muuqda mid soo guda-gala xaaladda aan fadhin ee macalinka 20-ka sano ku sugan gegida Arsenal uu ku jiro. Waxayna la tahay in loo baahan yahay ka baaraan-deg aragti fog mustaqbalka Wenger ee gegida Emirates – isaga oo yiri; ma naawilayo in ciyaarta aan laleennahay Arsenal ay noqoto midda ugu dambeysa oo Wenger leylin doono.

“Waxaan nuglaan u dareemayaa dhamaan macalimiinta naadiyada, waayo waxaa nagu wada dhaca xanuun isku mid ah,” ayuu Mourinho u sheegay warfidiyeenka.

“Kubaddu way is badashay. Hadda ciyaaraha la dheelo ayaa go’aamiyaa maangalnimada ah haddii macalinku uu ku nagaanayo kooxda iyo in kale.”

“Hadda waxay ciyaaruhu la micno noqdeen haddii aadan guul gaarin waad iska baxaysaa.”

“Markii aad naadi ku sugnaato muddo 20-sano ah, macquul ma ahan inaad sanad kasta guuleysato – xattaa taasi waad weydiin kartaa Sir Alex.”

“Ferguson wuxuu ku sugnaa xaaladahan oo kale. Wuxuuna awooday inuu kooxda ka dhaqaaqo markuu ogaaday waqtigii ku habboonaa tegistiisa. Macalin Wengerna waa lamid.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan