Home / Habka-Nolosha / Moyes oo lagu qasbay inuu raali-geliyo haweeney wariye ah oo uu handaday

Moyes oo lagu qasbay inuu raali-geliyo haweeney wariye ah oo uu handaday

Muqdisho – Muuqaal laga helay duubista shir jaraa’id oo uu qabtay ayaa muujisay Macalin David Moyes oo handadaya wariye katirsan BBC-da xilli uu moodayay inay kaamirooyinku joojiyeen duubista.

Macalinka Sunderland, kaas oo taniyo markaas raali-gelin bixiyay, ayay ku timid in wax laga weydiiyo haddii uu cadaadis kala kulmayay guddoomiyaha kooxda Ellis Short.

Wariyadda BBC-da, Vicki Sparks ayaa markaas kadibna waxaa uu Moyes ku yiri; “Isku badnow; waxaa dhici karta inay dharbaaxo kugu dhacdo in kasta oo aad dumar tahay.”

Kadibna wuxuu kusii socday inuu yiraahdo: “Marka xigta ee aad imaanayso foojignow.”

Intii uu socday waraysiga, Moyes wuxuu Sparks u sheegay inuusan ku jirin cadaadis uu kala kulmay maareeyaha kooxda, hayeeshe markii uu mooday in shaqadii war-fidiyeenka ay soo idlaatay, wuxuu badalay maankiisa.

In kasta oo Sparks u muuqatay mid ku qosleysa faalladiisa, Moyes wuxuu u muuqday mid qamuunyeysan.

Af-hayeen u hadlay Sunderland ayaa Daily Star u sheegay in Moyes iyo Sparks ay wada hadleen; lana xaliyay mushkiladda.

BBC-da ayaa sidoo kale sii deysay qoraal u dhignaa: in mr. Moyes uu raali-gelin usoo diray wariyahooda; iyadana ay aqbashay.

Sunderland ayaa qeybaha danbe kaga jirta kala horreynta horyaalka PL iyada oo 1-0 ku lumisay kooxda Wattford ciyaartii u danbeysay.

Waxaana u dhiman sideed kulan oo ay qasab tahay inay sameyso bandhig muuqda si ay usoo kabsato.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan