Muqdisho – Bayern Munich ayaa soo saartay war ay ku sheeegeyso in xiddiga Robert Lewandowski aan idmi doonin inuu ka tago kooxda.
Laacibka qaran Poland ayaa lala xiriirinayay kooxaha Manchester United iyo Chelsea kadib markii uu si cad u tilmaamay inuu ku niyad xumaaday kooxda Bavarian-ka markii uu ku fashilmay hanashada abaalmarinta gooldhaliyaha horyaalka.
Warka waxaa dabka kusii shiday wakiilka laacibka oo tilmaamay inay u badan tahay wada-hadallo uu la furto kooxaha daneynaya.
Hayeeshe Bayern ayaa iska diiday wararkan iyada oo tilmaantay inay dacwad la tiigsan doonaan koox kasta oo heshiiskiisa ku eg ilaa 2021 soo fara-gelisa.
“Dhawaan ayuu laacibkan kooxda la galay heshiis. Mana ogin wararka soo shaac baxay halkay ka socdaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.
“Ma dhicin mana dhacayso wadahadal lala galo laacibkan.”
Lewandowski ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu weyn kooxda Bayern xagaagii dhamaaday isaga oo dhaliyay 30-goolal. Hayeeshe luminta kulamadii ugu danbeeyey ayuu laacibkan ku galay booska labaad. Waxaa kaalinta koobaad 31 ku fadhiistay erre-Emerick Aubameyang oo u ciyaara Dortmund.