Home / Cayaaro / Munir El Haddadi oo ka tegaya Barcelona

Munir El Haddadi oo ka tegaya Barcelona


Himilo FM – Munir El Haddadi ayaa lagu soo waramayaa in uu diidan yahay in uu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Barcelona, waxaana uu ku bixi doonaa si xor ah xagaagan.

23 jirkan waxa uu ku dhibtooday in uu booska koowad ka helo kooxda  tan iyo markii uu si amaah kaga soo laabtay Valencia iyo Alaves isaga oo 11 kulan dheelay xilli ciyaareedkan oo dhan – toddobo ka mid ah waxay ahaayeen kuwa uu kasoo kacay kursiga keydka.

Barca ayaa rajeyneysay inay wadahadal la gasho Munir si looga hortago inuu ka dhaqaaqo dhammaadka xilli ciyaareedkaan laakiin ESPN ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain uu go’aansaday inuu u hayaamo  meelo kale.

Kooxda reer Catalan ayaa haatan raadineysa inay dalab u dirto Munir isla bishan iyadoo xiisihiisu ay ka imaanayaan kooxaha ka dhisan Spain iyo Italy.

Kooxda  Sevilla ayaa durbadiiba kamid noqotay naadiyada sida weyn loola xiriirinayo saxiixa laacibkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan