Muqdisho – Dhaqankeennu wuxuu hadiyo jeer ahaa mid ku ilaashan isku xirnaanta iyo ka tilmaansiga hiddaha xeesha dheer ee awoowayaasheen. Dhaqanku wuxuu lahaa xeer iyo shuruuc degsan oo lagu wada arooro iyo hidde, dhaxal ahaan, lagaga daydayo jiilalkeennii hore.
Marna ma dhicin qarniyadii hore, siiba xilligii isticmaarka, in Soomaalida lagu sandulleeyo ama laga dhaadhiciyo ku milanka dhaqamada iyo caadooyinka ay soo waarideen dunida Galbeedka. Markii ay gumeystayaashu Afrika usoo kala ordeen qeybsigeeda, kaliya maysan kala helin dhulal ee waxay sidoo kale intooda badan ku guuleysteen inay hantiyaan cuquusha umadaha ay heeryada ku rarteen.
Dalal badan oo kamid ah Afrika ayaa dhaqamadii iyo afafkii ay lahaayeen waxaa ka awood badiyay hab-dhaqameedkii is-dhexgalka loogu magac-daray ee Galbeedku la yimid. Gumeystayaashu marnaba uma kala sokeynin dadyowga ay isticmaarka ku heysteen, hadana sida hubaasha uma wada sinnayn saameyn ahaan inay ku tun-jileecsadaan aqbalista dhaqmadooda.
Qaar badan waxaa looga raariday hab lagu hadoodilay – iska xoor dhaqankaada duugga noqday lana qabso keenna cusub. Waxaana ugu darnaa kuwaas gumeystihii Faransiiska oo keenay falsafaddii foosha-xumeyd ee Assimilation ama igu milan. Dalal badan oo dhaca galbeedka Afrika ayaana sababtaas awgeed lumiyay af iyo dhaqan. Sidaas darteed, gumeysigi Afrika dhul iyo dhaqanba wuxuu ka tagay saameyn xun.
Tusaale ahaan, Leopard Senger oo ahaa halgamaa iyo gabyaa u dhashay Senegal iyo madax-weynihii ugu horreeyey ee dalkaas – kaas oo qoraal iyo afba u adeegsan jiray luqadda Faransiiska ayaa markii Soomaaliya ay yeelatay far qoran, wuxuu booqasho uu 70-meeyadii ku yimid dalka yiri: “Waxaad tihiin umad dhaqan iyo dhulba xor ah; umad sooyaalkeeda iyo dhaqankeeda ilaashatay – annagu waxaan wali addoomo u nahay gumeystaha oo afkiisa iyo dhaqankiisa ayaa naga qaalib noqday.”
Balse farriintaas uu Leopard Singer noo soo diray uma muuqan mid sii waarta gaar ahaan kolkii ay dhacday dowladdii dhexe ee dalka ka jirtay taas oo sababtay kala guur ku habsaday qoysaska Soomaaliyeed ee qaaradaha adduunka ku kala yaacay.
Burburkii dhacay, inta gudaha ku nool marka la eego sida aysan ugu saamoobin dhaqan-guur dibadeed, waxay ku faani karaan ayaanka ay heleen. Waase inta dibadda uga baxday kuwa laga deyrin karo waxa ay lasoo gurya-noqon doonaan kuwaas oo dunida aan dadkoodii kaga horreyn lagu soo dhaweeyey.
Haddii shalay dadkeennii hore ay, xoog iyo xiribba iskaga caabiyeen aragtidii iyo aaladdii gumeysigu ku doonayay inuu nagu dhalan-rogo, mirihii ka dhashay dadaalkaas maanta wuxuu ku jiraa mugdi iyo mustaqbal aan saadaal laga bixin karin. 25-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa is barbbar socda sheekooyin micno ahaan iska daba-dhow balse dun ahaan isku xiran oo laga soo tebinayo qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.
Umad shalay duullaan dhul iyo dhaqan is wata ku rabtay inay ku qabsato masiirka umadaha kale, kawaran marka loogu tago magan-galyo? Su’aasha jawaabteedu waxay kaaga soo bixi kartaa marka aad aragto ama laguu sheego sida Soomaali badan oo ku nool qurbaha ay ula qabsadeen dhaqamadii ku xeeran.
In kasta oo mar walba ay lama huraan tahay u hoggaansanaanta awaamiirta looga dhaqmo dalka aad ku nooshahay, hadana taasi kuma ekaan oo kaliya maamulka guud. Ka qoys ahaan, inta qurbaha ku dhalatay iyo kuwa yaraan ku galayba, waxaa dowladdu u noqotay garabka saddexaad ee lamaanaha is-qaba u dhaxeeya.
Booskii ay ku jireen xigtada iyo xididka lamaanaha isku dhaxa kuwaas oo madmadowga soo kala dhex-gala ku xeerin jiray si hoose iyo is-afgarad, waxaa kaalintaas go’aan ka gaara dowladda, sida lagu qoray buugga Dhal-dhalaalka Galbeedku illeen waa Dhinbil Aasan.
Qoraha buugga, Fartun Sh Muxumed Xalane waxay sheegtay inaysan dhibtu mar kasta kaga imaanin dowladda oo lamaanayaal qaar ay nolosha ku kala tagaan si is-afgarad ah – iyaga oo raadinaya ceyr badan oo ay kali-kali uga kala qaataan dowladda taas oo ugu danbeyn burbur ku keenta qoyska looguna yeero Separate.
Hal-adeygga iyo is-dabcin la’aanta ragga qaarkiis ay kala tageen dhulkooda hooyo, waxay ku keentay cirib aysan kaga mahdin Yurub. Haween badan oo iyaguna u arkayay in la dulmin jiray ayaa si jawrfalnimo ah kaga fal-celiyay arrintaas, taas oo keentay kala tagga qoysaska. Ragga qaar ayaan sidoo kale shaqeynin oo guryaha kula nool xaasaska, taasina waxay hoos u dhigtay saameynta aabuhu ku lahaa ilmihiisa. Sidaas awgeed, lamaanayaal badan waxay gacmahoodu ku qaadeen dabkii ay aqalladooda ku shideen.
Dhibta laga weriyo carruur badan oo qurbaha ku dhashay ama ku hana-qaaday waa qasab ah inay qaadaan waalidiintii dhalay oo aan si dhab ah u guddoomin mas’uuliyaddii ka saarneyd xanaanayntooda. Fadhi-ku-dirirka iyo cunista qaadka iyo wixii lamid ah waa midda seejisay dayaca ku yimid reerahooda.
Waase gunaanadka waxa aysan mahdin labaduba, sida ay sheegtay qoraa Fartun. Maadaama labada waalid aysan xejin wadarjirkooda. Balse tani waa bilowga doorrimaad ee dhaqanka iyo dhalanka ilmaha oo markaas fursad bannaan looga helayo in lagu shubo laguna qanciyo u dhaqanka sida iyaga kale. Carruurta ayaa kamid noqonaya kuwa kale ee lagu xanaaneyo xarumaha ay maamusho dowladda. Halkaasna waxaa ka dhalanaya dhaqan aan la mahdin oo ay lasoo koraan ilmaha. Mana ahan wax adag inay aqbalaan.
Balse dhamaan qoysaskeennu ma ahan kuwa laga qaalib noqday. Waxaa jira lamaane fahamsan sida loogu noolaan karo nolosha gubanaysa ee ka jirta Yurub. Qaar badan ayaa carruurtooda kula guuleystay inay ku ababiyaan barashada diinta iyo noqoshada xilkas dusha u ridan kara mas’uuliyadda naftooda.
Si kale marka loo eego, waxay astaan u noqdeen Muslimiinta qowmiyadaha kale ee kula nool Yurub. Taasi oo wali diraysa farriin ah inaan la nool nahay dhaqankeenna iyo diinteenna.
Mahadaas waxaa loo celinayaa culimada Soomaaliyeed oo taniyo burburkii qurbaha ka waday wacyi-gelin, waano, wax-toosin ay ku garab joogaan qoysaska Soomaaliyeed kuwaas oo sanad kasta qaban-qaabiya mu’tamarro Islaami ah oo lagu gorfeynayo xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin Soomaalida guud ahaan gaar ahaan qurba-joogta.
Haddii qoysaska Soomaaliyeed ee maanta ku sugan xaalad aysan saadaalin karin oo Yurub ku heysata ay tusaale fiican ka dhigtaan kuwa kale ee la dhashay – meelna ay iska dhigaan tooda gaarka ah una hoggaansamaan danta ilmahooda, waxay ugu yaraan sahli kartaa inaysan gablamin adduun iyo aakhiro.
Qoraa Fartun ayaa buuggeeda ku xustay sheeko lamaane si fiican ugu noolaa Yurub; lagana dhigan jiray tusaale oo markii danbe cirib-xumaaday kadibna ilmahooda ay gacanta u galeen dowladda – iyaguna ay kala irdhoobeen.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.