Muslimaddii ugu horreysay oo xubin baarlamaan ka noqota Serbia

Himilo – Misala Pramenković ayaa sameysay taariikh cusub kaddib markii ay noqotay Muslimaddii ugu horreysay oo kamid noqota barlamaanka Sweden.

Waxay kamid noqotay xubnaha cusub oo barlamaanka uga mid noqday Xisbiga Cadaaladda iyo Dib-u-heshiisiinta oo uu hoggaamiyo Muamer Zukorlić, Muftigii hore ee Serbia.

Waxay borofeesar culuumta Islaamiga ka ahayd Madrasada Gazi Isa-beg.

Waxay sheegtay inay isku taagi doonto wax ka qabashada xaaladaha nololeed oo ay ku nool yihiin xubnaha nugul ee qoysaska sida carruurta iyo haweenka.

Kamid noqoshadeeda barlamaanka, waxay albaabka cusub u furaysaa haweenka.

“Mala-awaalka iyo laab-la-kaca waxaa sal u ah aqoon-darri,” ayay tiri.

Marka loo eego tirakoobkii laga sameeyey dalka Serbia, tirada Muslimiinta dalkaas waxaa lagu qiyaasay 228,658 oo 3% tirada guud ee waddanka. Waxaase la sheegayaa inay tiradu intaas kasii badan tahay.

Muslimiinta Serbia waxay ku nool yihiin Novi Pazar, Tutin iyo Sjenica oo katirsan gobalka  Sandžak.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan