Home / Cayaaro / Mustaqbalka Frank Lampard ee Chelsea oo la qiimeynayo

Mustaqbalka Frank Lampard ee Chelsea oo la qiimeynayo

Himilo – Mustaqbalka Frank Lampard ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in la qiimeynayo haddii kooxda xaqiijin weydo inay ku dhammeysato afarta sarre ee horyaalka Ingiriiska xagaagan.

Chelsea ayaa la kulantay guuldarradii 9aad ol-olaha 2019-2020 habeenkii Isniinta, taasi oo ka dhigan inay immika u dhaxayso seddex dhibcood oo keliya Chelsea oo joogta booska afaraad iyo Man United oo fadhisa booska 7aad.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Telegraph, jagada Lampard ee Chelsea ayaa la qiimeyn doonaa haddii cayaaryahankii hore ee kooxda uu ku guuldareysto in uu Chelsea ugu dhammeeyo afarta sarre xagaagan.

Wararka ayaa tilmaamaya in go’aanka uusan Lampard ku safin goolhaye Kepa Arrizabalaga kulankii Man United uu layaab ku noqday maamulka kooxda.

Chelsea ayaa kulan xiga ee horyaalka Ingiriiska waxay kahor imaaneysaa kooxda uu hoggaamiyo tababare Mourinho ee Tottenham.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan