Muqdisho – Shaashadaha ayaa lawada eegayaa, Raadiyaha ayaa dhegta lagu hayaa, ka sheekeynta afka iskaba daa waa mid ay ka simanyihiin Dhalaan, da’yar iyo duqaw.
Waa Sideedda February, Wax la sugaaba waa la gaadhay uma baahna sifa ka bixin oo waxa kaga filan qof walbaa xanibaaddda dhinac kasta ah ee saaran.
Waa doorashada Madaxweynihii 7 ee Dalka soo mara marka laga tago kacaankii oo dalka afgambi kula wareegay iyo is heysadkii u dhaxeeyay labadii garab ee Cali Mahdi iyo Ceydiid bilawgii sagaashameeyada.
Si kale waa Madaxweynihii 5 oo ay Soomaaliya yeelaneyso tan iyo curashadii qarnigaan 21.
Madashu waxa ay aheyd Bishii sagaalaad 2016 hayeeshee dib u dhacyo isdaba joog ah oo dhan loo tiiriyo u cadeyn shacabka ayaa daashaday doorashada balse ugu danbeyn waxa leysla meel dhigay geediga in lagu furo 8 February oo wax la sugaaba la taaganyahay Maanta.
Dhaqdhaqaaqa dadka ayaa xidadan, Dhamaan Wadooyinka ayaa la taagay askar tuuteysan oo ay qaarkood xataa ogolayn lugta dadka, sababtu waxa ay tahay in la sugo amniga.
Duulimaadka ayaa hakad la geliyay, Mas’uuliyiinta qaar ayaa ku dhawaaqay in la xiray Hawada Soomaaliya inta kursiga loo magacaabayo shaqsi qura maadaama ay ku loolamayaan 21 Musharax.
Tirada Musharixiinta Waa ay ka badnaayeen maanta ka hor cadadkaan balse si maalinba uu mid go’aan iskii ah u qaadanayay waxa ay iminka tirada ku jaan go’antahay 21, Waxa ugu danbeeyay oo shaaciyay tanaasulkiisa 7 Bisha Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C raxmaan Faroole hayeeshee doorashada ka hor waxa maanta is casilay Zakariye Xaaji Cabdi.
Musharixiinta tartankaan wajahaya waxa ka mid ah Madaxweyne Xasan Sh Maxamud oo afartii sano ee la soo dhaafay hayay Talada Dalka iyo Ra’iisul wasaarihiisa Cumar Cabdi Rashiid.
Marka dib loo milicsdo qudbadaha Musharaxiinta waxa la dhegeystay Sedex maalmood oo kale duwan, Musharrax walbaa waxa uu la gola yimid aragti isaga u gaar ah iyo sida ay noqon karto xukuumadda uu soo dhisayo.
Dhamaan Musharixiinta waxa ay ka wada sinaayeen habka loo sugayo Amniga oo la moodo in ay aheyd tiirka mid kastaahi ka duulayo.
Lkn ma jirin Musharax awoodi waayo inuu qanciyo Mudanayaashii hor fadhiyay maadaama ay aad isaga ag dhawaayeen qudbadohuudu.
Dood ka danbeysay Jadwalka qudbadaha Musharixiinta looguna tala galay in Musharixiinta Madxweyne lagu doodsiiyo ayaa sidii la rabay u qabsoomin markii ay soo xaadireen labadii wareeg ee loo qeybiyay doodda 9 Musharax oo kaliya.
Balse Talaadadii Toddobada Bisha oo ku beegneed shalay ayaa laga dareemayay badi Hotelada Magaalada kulamo gaar gaar ah iyo is xod xodasho hadba dhan loo kale jiidanayay mudanayaasha Baarlamaanka.
Barlamaanka
329 Mudane Baarlamaan ayaa codadkooda dhiibanaya, waxa ay isugu jiraan labada aqal gole ee Baarlamaanka. 54 qalka sare ah iyo 275 Aqalka hoose ka socda.
Hanaanka Aqalka sare ayaa ah markii ugu horeysay oo ay yeelato soomaaliya, waxa ayna atalayaan maamul goboleedyada dalka ka jira.
Ha yeeshee golaha shacabka ayaa ah tiradii la wada yiqiin inkastoo qaabka ay ku yimaadeen uu yahay mid ka duwan sidii hore, sababtoo ah waxa soo doortay Mudane kastaa 51 Ergo beeleed oo wadartoodana lagu qiyaasay wax kabadan 14 kun. Ergadaa qudheeda waxa soo xulay 135 Oday dhaqameed.
Da’yar ayaa markii ugu horeysay jaanis u helay golayaasha Baarlamaanka , Dumar ayaa iyana ka liidan oo tira aan yareyn ka ah.
26% ayaa lagu sheegay dumarka codadkooda ka dhiibanaya doorashada Socota, mana jiraan dumar qeyb ka ah Musharixiinta walaw ay 2 dumara isa soo sharaxeen bilawgii olalaha doorasho hadane waa ay ka laabteen dabayaaqadii sanadii tagtay.
Xildhibaanada ayaana looga fadhiyaa iney talada u gacan giliyaan shaqsi qof iyo codkii gaarsiin kara Dalka 2020-ka doorashada tan xigta. si ay shacabka markaa kaalintooda u helaan.
Shacabka
Badi shacabka caasimadda ayaa guri joog ah maanta, waxa xiran badi goobaha ganacsi haba sheegin aagga ay doorashadu ka dhaceyso.
Teel teel ayay dadku u lugeynayaan, isgoysyada qaar askarta joogtaahi lugta shacabka waa ku dhib waa middaas tan qasabtay qaarkii sihmin lahaa shaqadooda iney aqaladooda dib ugu laabtaan.
Isku si ayay shacabku u hadal hayaan doorashada, qafwalbaa waxa uu cabirayaa maladiisa iyo cidda uu isleeyhay waa ay ku guuleysan kartaa Madxtinimada dalka afarta sane ee soo socota.
Qaarkood ayaa sii saadaalinaya Natiijada doorashada iyagoo cuskanaya niyad ahaan waxa ay jeclaan lahaayeen.
Caruurta ayaa iyana u arkay fursad, waxa fasaxn goobihii waxbarasho, waxaana ka caagan laamiyada gawaari aan aheyn kuwa ciidanka oo dhif iyo naadir ah sidaas darteen waxa wadooyinka haawanaya ay ka dhigteen garoomo banooni.
Aad ayay u faraxsan yihiin, waa ay dareensan yihiin doorashada lkn kama dhigna iney kala saari karaan hogaamiyaha ay jeclaan lahaayeen hase ahaatee waa suurta gal ah iney ku dhawaaqaan magaca Musharax ay ka maqleen waalidiintooda.
Gunaanad
Marka sidaan oo kale wadooyinka xirmaan hadal heynta ugu badan waxa ay ahaan jirtay xirnaanshiyaha lkn cagsigaada ayay maanta taagan tahay oo waxa la hadal hayaa sabab keentay xiritaanka waana doorashada Madaxweynaha.
Doorashada oo hadda socota ayaan lakala saari karin Musharraxa guusha la hoyana islamarkaana noloshiisa ay ku wareegeyso afarta sano ee soo socota aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Waxana hadda soo idlaadayWareegii koobaad inkastoo aan la shaacin Natiijada haddana waxa ay umuuqataa arinta in loo gudbi doona wareeg labaad.
8 February ayaa ka mid noqoneysaa mahadhada diiwaanka u galaya shacabka soomaaliyeed.
W/Q:- Ismaaciil Maxamed Samatar
E-Mail:-Zeema200@gmail.com