Home / Macluumaad / Muxuu ahaa dhigaalkii Twitter-ka ee la faafiyay 4 Milyan oo jeer?

Muxuu ahaa dhigaalkii Twitter-ka ee la faafiyay 4 Milyan oo jeer?


Himilo FM – Dhigaal uu soo dhigay bogga Twitter-ka bilyuneer u dhashay Jabaan ayaa noqday kii loogu faafinta badnaa isaga oo ka hormaray dhigaal hore oo uu sameeyay wiil Mareykan ah.

Qoraalka Yusaku Maezawa oo uu soo dhigay Twitter-ka 5-tii bishan Janaayo ayaa la faafiyay inka badan 4 Milyan oo jeer. Waa inka badan nus Milyan dhigaalkii Carter Wilkinson ee sannadkii 2017.

Mr Maezawa ayaa dadka u bandhigay lacago si ay u faafiyaan qoraalkiisa. Aas-aasaha shirkadda dharka ee Zozo ayaa u ballan qaaday 925 kun oo doolar 100 qofood oo laga xulan doono dadka faafiya qoraalkiisa Twitter-ka. 

“ Si aad ugu qeybgasho, waa inaad isoo raacdaa (Follow) islamarkaana faafiso qoraalkan,” ayuu ku yiri dhigaalkiisa oo noqday kii loogu faafinta badnaa bogga Twitter-ka.

Hantida Yusaku ayaa lagu qiyaasay inay gaarayso 3 Bilyan oo doolar. Waxaana uu inta badan ku kharash gareeyaa fanka.

Waxa uu caan ka noqday bilyuneerka wadamada galbeedka sanadkii hore markii la shaaciyay in diyaaradii ugu horreysay oo rakaab ah uu ku tagi doono dayaxa.  

Mr Mazawa waxa uu tilmaamay in uu qorsheynayo in safarkiisa ku wheliyaan dadka xiiseeya  farshaxanka oo sii raaci doono marka la gaaro sanadka 2023.

Kahor Wilkson, jilaaga reer Mareykan ee Ellen Degeneres ayaa heystay kaalinta dhigaalkii loogu faafinta badnaa bogga Twitter-ka. 

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan