Home / Macluumaad / Muxuu Faransiiska ugu diiday dhalashadiisa kalkaaliso shaqeysa 59 saacad toddobaadkii?

Muxuu Faransiiska ugu diiday dhalashadiisa kalkaaliso shaqeysa 59 saacad toddobaadkii?

Himilo – Maamulka Faransiiska ayaa kalkaaliso soogalooti ah u diiday in uu siiyo dhalashada dalka sabab la xiriirta saacadaha ay shaqeyso haweenayda oo jabin ku ah nidaamka shaqada dalkaasi.

Kalkaalisada ayaa u gudbisay maamulka codsigeeda dhalashada Faransiiska oo laga diiday iyadoo marmarsiyo looga dhigayo inay ku xadgudubtay sharciga saacadaha shaqada dalka oo dhigaya 35 saacad toddobaadkii.

Haweenayda ayaa shaqeysa 59 saacad toddobaadkii iyadoo qabata seddax shaqo oo kala duwan sida warbaahinta Faransiiska laga soo xigtay.

Maamulka Faransiiska ayaa sheegay in codsiga haweenayda soogalootiga ah dib loo dhigay muddo labo sanno ah.

Nicolas Dielek oo ah saaxiib ku dhaw haweenayda ayaa tilmaamay inay fadeexo tahay tallaabada Faransiiska ee gabadha loogu diiday jinsiyadda.

Dadka Faransiiska ayaa ku kala qeybsan sharciga saacadaha shaqada oo kamid ah qoddobadii ol’olaha doorashadii sannadkii 2017.

Sharciga ayaa la dhaqan geliyay sannadkii 2000, waxaana tani ay ka dhigtay Faransiiska mid kamid ah dalalka ugu yar saacadaha shaqada toddobaadkii caalamka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan