Himilo – Khadka dhexe ee Manchester United Juan Mata ayaa sheegay in uu ku farraxsan yahay in uu ka garab cayaaro Bruno Fernandes sabab la xiriirta inay leeyihiin qaab-cayaareed isku mid ah.
Fernandes ayaa la rumeysan yahay in uu raad fiican ku reebay Manchester United tan iyo markii uu ku soo biiray bishii Janaayo isaga oo dhaliyay seddex gool islamarkaana caawiyay afar kale 9 kulan.
“ Waxaan u maleynayaa in aan kubadda u fahamsanahay si isku mid ah, ” Mata ayaa sidaasi u sheegay saxafiyiin.
Waxa uu intaa raaciyay inay si isku mid ah u cayaaraan, dhaqdhaqaayada iyo fursadaha uu midba midka kale siinayo.
“ Waxa uu dhaliyay gool cajiib ah, waa farxad weyn in aan heysanno,Bruno iyo Odion, waa uu dhalinayaa cayaar kasta.”
Mata ayaa ka soo muuqday 31 kulan oo United ah xilli cayaareedkan isaga oo dhaliyay seddex gool islamarkaana caawiyay shan kale.