Himilo – Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro oo walaac ka qaba isbadalka cimilada ayaa soo jeediyay aragti uu u arko xal lagu ilaalin karo deegaanka.
Mr Jair ayaa tilmaamay in hal jeer oo qofka uu tago suuliga labadii maalinba inay kahortag u noqon karto deegaanka.
Isaga oo ka soo baxaya aqalka madaxtooyada Palácio do Planalto, madaxweynaha Brazil ayaa sheegay in dadweynaha looga baahan yahay inay dhimaan cuntada ay qaadanayaan si uu qof kasta ugu baahdo suuliga hal jeer labadii maalinba.
“Waxaa nagu filan inaan cunno waxyar, waxaad ka hadleysaan wasakhda deegaanka, waxaa nagu filan inaan suuliga tagno hal jeer si xaaladda u soo hagaagto,” ayuu yiri Jair Bolsonaro.
Hoggaamiyaha Brazil ayaa xusay inay muhiim tahay in la hagaajiyo qoysaska si loo wajaho kororka dadka caalamka inkastoo uusan dhiira gelin dhimista dhalmada.
Waxa uu intaa raaciyay “Ha iga dhigina in aan ku baaqayo in la yareeyo dhalmada, maya taasi ma aha.”
Khudbado uu jeediyay madaxweynaha Brazil ayaa waxaa ka dhashay doodo badan iyadoo laga bixiyay fasiraadyo iska soo horjeeda.