Himilo FM – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la qeybsaday farxadda dhalashadiisa 66aad dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.
Putin oo ku dhaw Xi Jinping ayaa guddoonsiiyay saaxiibkiis haddiyad jalaato ah oo uu kula qeybsanayay dareenka dhalashadiisa .
Inta badan, waxaa adag in daaha laga qaado macluumaadka ku saabsan nolosha hoggaamiyaasha Shiinaha oo aan la shaacin xilliga dhalashadooda iyadoo loo arko inay kamid tahay siraha dowladda.
Telefishinka Shiinaha ayaa sheegay in Putin uu jalaato lagu sameeyay Ruushka uu haddiyad uga dhigay saaxiibkiis iyadoo Xi Jinping uu kaga falceliyay shaaha Shiinaha oo uu siiyay dhiggiisa.
Sawirro uu baahiyay bogga telefishinka Shiinaha ayaa muujiyuay labo nin oo wadaagaya macmacaan lagu qoray nasiib wanaagsan, 66 sanno.
Hoggaamiyaasha Shiinaha iyo Ruushka ayaa loo arkaa inay yihiin saaxiibbo isku dhaw oo uu ka dhaxeeyo isfaham badan.