Qiimaha la kala siisto Hilibka xoolaha ee Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa sare u kacay tan iyo billowgii Bishan barakeysan ee Ramadaan.
Ganacsatada Hilibka, Kawaanleyda iyo dadka iibsada ayaa sheegaya in isbeddel xoog leh uu ku yimid qiimaha la kala siisto Hilibka suuqyada Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in sababtu tahay Roobka Gu’ga ee ka curtay dalka oo ay xoolaleyda qaar naq raaceen, Ganacsatada Geela keenta oo ay ku adkaatay in ay tiro ku filan helaan iyo Bisha Soon qaad lafteeda oo maciishadda oo dhan sare u kacday.
Kiilada Hilibka ah ayaa suuqyada Muqdisho la kala siisan jiray $4 ilaa $5 doolar hayeeshee hadda waxaa ay u dhaxeysaa $6 doolar ilaa $8 dollar sida ay sheegeen Ganacsatadu.
Halkan ka daawo.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/785029932979094