Himilo FM –Booliiska gobalka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa farriin ka helay wiil 15 jir ah oo sheegtay in hooyadii ka soo ceyrisay guriga islamarkaana u diiday inuu galo kaddib markii uu ka soo laabtay dugsiga.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Fox 8, booliiska ayaa durba u dhaqaaqay guriga ay ka timid farriinta laakiin waxay oggaadeen in wiilka loo oggolaaday inuu galo guriga iyadoo shuruud looga dhigay in laga qaado taleefanka nuuca caaqilka ah ee uu heystay.
Hooyada ayaa u sheegtay booliiska in waxbarashada wiilkeeda liidato oo uu keenayo darajooyin hooseeya oo u dhaw dhicid.
“Natiijooyinka hooseeya lama aqbali karo marnaba,” ayay tiri hooyada oo aan la shaacin magaceeda.
Waxay intaa raacisay in taleefanka caaqilka ah uu sabab u yahay natiijooyinka xun ee waxbarashada wiilka.
Aabaha wiilka oo aan la nooleyn qoyska ayaa soo iibiyay taleefanka sida laga soo xigtay hooyada oo warbaahinta la hadashay.
Booliiska ayaa xusay in hooyada xaq u leedahay inay xakameyso dhaqamada wiilkeeda iyadoo kala wareegi karta taleefankiisa caaqilka ah.