Home / Cayaaro / Naadiga Flamengo oo damaceedu yahay inay xiddig ka dulqaado Everton

Naadiga Flamengo oo damaceedu yahay inay xiddig ka dulqaado Everton

Himilo – Diego Costa  ayaa loo sheegay inuu ka tagi karo Atletico Madrid ka dib markii ay kooxda kusoo biireen  Joao Felix iyo Alvaro Morata  xagaagan.

Xiddiga reer Spain ayaa wadahadalo kula jira Everton, lakiin Flamengo ayaa isku dayaysa in dib ugu celiso  dalkiisa hooyo halkaas oo uu ku dhashay, sida laga soo xigtay ESPN Brasil.

Inkastoo xiddigii hore ee Chelsea ay Atletico Madrid 57 Milyan oo ginni dib ugu soo ceshatay bishii Janaayo 2018-kii ayaa keliya seddex gool dhaliyey xilli ciyaareedkii hore.

West Ham, wolves iyo Everton ayaa dhammaantood lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan weeraryahanka xagaagan.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Flamengo ay diyaar u tahay inay bixiso inta u dhaxeysa £ 9m illaa  £ 12m laakiin arrinta ugu weyn  waa mushaharkiisa .

Costa waxa uu haatan ku qaataa £ 150,000 toddobaadkii Wanda Metropolitano, waana in ka badan laba jibaar  ciyaaryahan kasta oo Flamengo ah inta uu qaato.

Mushaharkaasi ma ahan mid aad u dhib badan marka loo eego Everton, oo ay  lix ciyaaryahan  uga qaataan  ugu yaraan £ 100,000 toddobaadkii.

30 jirkan ayaa 10 gool ka dhaliyay 24 kulan oo uu u saftay dalkiisa, waxaana uu dhaliyay 174 gool 437 kulan oo uu ciyaaray idil ahaan xirfadiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan