Home / Habka-Nolosha / Nacho: “James Rodriguez Good-by kuma dhihin taageerayaasha.”

Nacho: “James Rodriguez Good-by kuma dhihin taageerayaasha.”

Muqdisho – Nacho ayaan rumeysneyn in James Rodriguez uu Nabadeey – ‘Goodby’ ku yiri taageerayaasha kooxda Real Madrid kadib dabaal-degii ruxay Santiago Bernabeu.

James ayaa si culus waxaa loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo dhinaca England PL iyo kooxda Manchester United.

Laacibka xulka Qaran Colombia ayaa in yar kahor markii uu galay kulankii ay 4-1 kaga adkaadeen nadiga Sevilla, wuxuu aad ula dabaal-degay taageerayaasha – astaamo u muuqday inay micno kale hoosta ku wataan.

“Qiirada James waa mid fiican,” ayuu yiri Nacho. “Gegida oo dhan ayaana la dabaal-degtay mana u malaynayo inay tahay astaan ka dhigann  ‘Nabad-gelyo’.”

James oo 25-jir ah ayaa qadyaan ka jooga la’aanta boos joogto ah inuu ka helo naadiga – isaga oo ku fashilmay kamid noqoshada wiilasha xulka ah ee macalin Zinadine Zidane.

Goolhayaha Madrid, Keylor Navas – kaas oo sida James aan hubin mustaqbalkiisa naadiga – ayaa intaas ku daray: “James wuxuu heystaa heshiis. Mana filayo inuu ku kacayo wax sumcadda xirfadidiisa wax-yeelaya.”

“Waan jecelnahay shaqsiyaddiisa, una qadarinaa sida laacibkeenna. Waa nin dhiirran; una diyaarsan mar kasta inuu ciyaaro.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan