Home / Cayaaro / Napoli oo ku dhaw inay ammaah kula soo wareegaan James Rodriguez

Napoli oo ku dhaw inay ammaah kula soo wareegaan James Rodriguez

Himilo FM –Real Madrid ayaa u oggolaan doonta James Rodriguez heshiis ammaah oo uu ugu dhaqaaqayo  kooxda Serie A ka dhisan ee Napoli, sida ay werineyso Sky Sports Italia.

Xiddigan u dhashay qaranka Colombia ayaa muddo dheer ka maqnaa safka kooxda caasimadda Spain isaga oo ammaah ku qaatay Bayern Munich labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Laacibka ayaa dib ula midoobi doona tababarahiisii hore Madrid iyo Bayern Munich hoggaamiye Carlo Ancelotti kaasi oo hadda ku sugan Napoli waxa uuna hal sanno oo ammaah ah ugu dhaqaaqayaa qiimo dhan £8.9million oo Gini oo ay weliba dookh u heystaan inay ku iibsan karaan £26million oo Gini.

Si kastaba xiddiga ayaa ku dhibtooday in uu kamid noqdo safka koowaad ee joogtada Real Madrid, waxa uuna u ciyaaray 111 kulan isaga oo kulamadaasi ku dhaliyey 36 gool kahor inta aan loo oggolaan in heshiis ammaah ugu dhaqaaqo kooxda Bayern Munich sannadkii 2017.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan