Home / Cayaaro / Napoli Zielinski oo ka hadlay ku biirista Liverpool

Napoli Zielinski oo ka hadlay ku biirista Liverpool

Himilo FM –Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli Piotr Zielinski ayaa qirtay inuusan  diirada u saaraneyn gabi ahaanba  inuu ku biiro Liverpool isagoo ku adkeysanaya inuu doonayo inuu sii joogo kooxda ka dhisan Talyaaniga.

Liverpool ayaa muddo dheer  xiiseyneysay xiddiga reer Poland, waxaana la filayaa inay soo nooleeyaan xiisahooda xagaaga iyagoo go’aansaday inay  iibsadaan bishii Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, 24 jirkaan ayaa ku  faraxsan Stadio San Paolo mana doonayo inuu kooxda ka tago xitaa hadii kooxda Jurgen Klopp ay hanato horyaalka Premier League .

” Waxaan doonayaa inaan sii joogo halkan shan sanno oo dheeraad ah si aan kooxda ugu caawiyo inay horumar sameeyaan” ayuu Zielinski u sheegay jariirada The Mirror.

Zielinski ayaa qandaraaskiisa haatan ee Napoli lagu burburin karaa € 65m (£ 55.8m) , tan iyo markii uu ka soo wareegay Udinese sannadkii 2016.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan