Home / Cayaaro / Nasser Al-khelaifi oo sheegay in Neymar uusan iib aheyn

Nasser Al-khelaifi oo sheegay in Neymar uusan iib aheyn

Himilo FM –Madaxwaynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa u sheegay Real Madrid iyo Barcelona inay iska ilaabaan saxiixa Neymar dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa si joogta ah loola xiriirinayay in uu ku laabanayo horyaalka La Liga tan iyo markii uu ka soo tagay Camp Nou, waxa uuna xiddigan noqday laacibka ugu qaalisan kaddib markii lagu iibsaday  198 milyan oo ginni ku dhawaad ​​18 billood ka hor.

Barca ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay Neymar ku darsato kooxdeeda xilli ciyaareedka 2019-20-ka iyadoo Philippe Coutinho uu qarka u saaran yahay in uu qeyb ka ahaado heshiiska uu Neymar dib ugu soo laabanayo halka Madrid ay tahay koox kale oo door bideysa soo qaadashada barbaarkan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Khelaifi ayaa ku adkeysanaya in 27 jirkan oo hadda ku sugan Parc des Princes uu sii joogi doono kooxda, waxa uuna Marca u sheegay “Ma jirto Real Madrid ama koox kale oo adduunka ah, waxay naga doonayaan inay nagala soo xiriiraan Neymar ama ciyaaryahan kale.

Neymar oo ay Man Utd ku qiimeysay 262 milyan oo ginni ayaa la filayaa in uu ka soo laabto dhaawac bisha April.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan