Home / Habka-Nolosha / Natiijooyinka Kulamadii Laga Cayaaray Horyaalka Dalka.

Natiijooyinka Kulamadii Laga Cayaaray Horyaalka Dalka.

Muqdisho – Ciyaaro adag ayaa shalay laga ciyaaray horyaaalka dalka, waxaana dhacay labo kulan oo aad u xiiso badnaa.

Ciyaartii adkeyd ayaa aheyd ciyaartii ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium waxa ayna dhex martay kooxaha Elman FC iyo Jeenyo.

Halka kulanka kalana uu dhex maray kooxha Banaadir Sports club iyo Gaadidka.

Garoonka Banaadir Stadium waxaa shalay ciyaar adkeyd kuwada ciyaaray  kooxhaha  Elman FC iyo Jeenyo

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay qaab daganaan ah oo labada kooxood midna aysan ku  dhiiran in ay weerar gool doon ah qaado.

Halka ugu adag ee lagu dagaalamay ayaana aheyd qadka dhexe ee garoonka oo ay kuwada jireen laacibiinta ugu tunka wayn labada koox sida Daa’uud Abdulaahi Tubaal iyo Xasaasi oo Jeenyo ah iyo Xaajow iyo Afdheere oo dhanka Elman ah.

Weeraryahanka kooxda Elman Agoogo ayaa badal lagu sameeyay waxaana lagu badalay lambarka sagaalaad ee Mohamed Nuur Cusmaan inta aysan dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta.

Elman ayaa u badneyd kaararka ciyaarta  waxa ayna qaadatay 4 jaale iyo hal rooso.

Waaxaana calaamadda jaalaha ah ciyaartaan ku qaatay lambarka 8aad ee Elman Cabdulaahi  Yuusuf Cusman (Xaajow) iyo lambarka labaad ee Elman Cabdul qaadir Axmed Cumar (Afdheere) halka uu isla Elman calaamadda gaduudan ka qaatay weerar yahan kooda lambarka 12aad ee Ronaldo Nyanzi kadib markii loo taagAy jaalihiisii labaad ee ciyaarta.

Elman oo u muuqatay mid  ka firfircooneyd  kooxda jeenyo qaybtii hore ee kulanka  ayaa la timid goolkeeda ciyaarta waxaana kubad uu si qurux badan Dhanka midig uga soo qaaday lambarka 7aad ee Elman Cumar Muumin Daahir (Zimbabwe) u dhamaystiray weeraryahankooda Ronaldo Nyanzi kaas oo sadexdii kulan ee ugu dambaysay ee uu ciyaaray horyaalka dhaliyay 7 gool.

Qaybtii hore hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 kaas oo ay hogaanka ku haysay kooxda Elman

Markii dib la isku soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Jeenyo ayaa la soo baxday kubad firfircoon iyadoo ciyaartooyda qadka dhexe ee Elman ay u muuqanayeen kuwo iska ilaalinaya in ay qaataan calaamado kale.

Elman ayaa garoonk waxaa ugu soo haray  10 ciyaartooy bilawgii qaybii dambe  ee ciyaarta Ronaldo Nyanzi ayaa laga saaray.

Jeenyo ayaa ka faa’iidaysatay calaamadda gaduudan ee la gudoonsiiyay dhigooda waxa ayna la timid goolkeeda barbaraha waxaana u saxiixay laacibkii hore ee kooxda Elman Maxamed Nuur Shaarkay kubad uu geeska midig si qurxoon kaga soo shaqeeyay  Xasan Cabdi Nuur Geesay (Xasaasi)

Ugu dambayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-1kaas oo ay isku mari waayeen kooxaha Llpp Jenyo Elman FC.

Dhanka kale ciyaar xiiso badneyd ayaa sidaas oo kale waxa ay garoonka Jaamacadaha ku dhex martay  kooxaha  Banaadir SC iyo Gaadiidka waxaana 2-1 si dirqi ah ugu badisay kooxda Banaadir SC oo guushaan ay u suurto galisay in ay saddex dhibcood oo nadiif ah ay ku qabtaan horyaalka dalka.

Waxaa Banaadir 2 gool u dhaliyay weeraryahankooda Marcelo halka gaadiidkana ay goolkeeda ka heshay laacibka Salengo.

Waxaa sidaas oo kale Banaadi SC  kaar ka casaanka ah ka qaatay laacibkooda qadka dhexe ee Mustapha Maxwell waxa uuna seegi doonaa kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Llpp Jenyo  maalinta isniinta ah ee soo aadan.

Qore: Abdi aziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan