Home / Cayaaro / Natiijooyinka kulamadii xalay laciyaaray.

Natiijooyinka kulamadii xalay laciyaaray.

Himilo- Waxaa la ciyaaray kulamadii 4-aad ee wajiga hore ee horyaalka Yurub ee Champions League, iyadoo natiijooyin layaab leh oo aan la fileyn ay soo baxeen.

Man City oo marti u aheyd kooxda Sporting CP waxaa looga badiye 4-1.

Tababaraha cusub ee Man Utd ayaa sagootin fiican u sameeyay kooxda Sporting CP oo kulankii ugu dambeeyay uu hogaaminayay.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa guuldarro xanuun badan waxay kala kulmeen kooxda AC Milan ee Italy ka dhisan, oo 3-1 kaga badisay.

Real Madrid oo dhinac kasta ka fiicneyd waxay awoodi wayday in ay difaac adag la tagto garoonka Sansiro waxaa gool loo badalay inta ugu badan fursadihii lagu helay.

Sidoo kale Liverpool ayaa qeybta labaad ku tumatay kooxda Xabi Alonso oo ay kaga badiyeen 4-0.

Dhamaan goolasha ayaa yimid qeybtii labaad. Waxaana Arne Slot uu sii wataa bandhigiisa guulaha xiriirka ah oo kaga yaabsaday dunida.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan