Home / Cayaaro / Nemanja Matic oo ka baxay tababarka kooxda Man United

Nemanja Matic oo ka baxay tababarka kooxda Man United

Himilo- Nemanja Matic ayaa ka tagay tababarka Manchester United ka dib 24 daqiiqo  Arbacadii iyadoo shaki la gelinayay mustaqbalkiisa kooxda.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa hoos u dhac ku yimid Xulashadiisa Ole Gunnar Solskjaer, isagoo saftay kaliya seddex kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa soo jeedinaya inuu Matic soo jiitay xiisaha labada kooxood ee Milan iyo Atletico Madrid ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Matic wuxuu tababartay kaliya 24 daqiiqo ka hor inta uusan ka tagin Carrington galabnimadii Arbacada.

Hadalada ku saabsan mustaqbalkiisa qadka dhexe ayaa su’aal la galiyay markii Matic uu Like ama ka helid uu saaray barta Instagram isagoo la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Tottenham Hotspur, oo uu haatan maamulo Jose Mourinho.

Si kastaba, Solskjaer ayaa tan iyo markaas ku adkeystay inaysan jirin fursad ah in 31-sano jirkan uu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan waqooyiga London bisha Janaayo. 31-jirkan ayaa keliya labo Premier League kusoo bilaabay Ole Gunnar Solskjaer oo doorbidaya Fred, Scott McTominay iyo Andreas Pereira

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan