Himilo – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg qaran kadib markii dab xooggan uu ku fiday keymaha ku hareeraysan magaalada Qudus, taasoo keentay daadgurin ballaaran iyo xiritaanka waddooyin muhiim ah sida waddada Jerusalem-Tel Aviv.
Dabka, oo ah mid kamid ah kuwa ugu baaxadda weynaa ee kacay muddo toban sano ah, ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan 23 qof, iyadoo 13 kamid ah la dhigay isbitaalka. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah laba haween ah oo uur leh iyo laba carruur ah oo aan sanad jirin, sida ay xaqiijisay hay’adda gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom.
Netanyahu oo muuqaal baahiyay ayaa sheegay in dabeylo galbeed ka socda ay dabka si sahal ah ugu riixi karaan gudaha magaalada Qudus. “Waxaynu wajahnaa xaalad degdeg qaran, waana inaan diiradda saarnaa badbaadinta Qudus,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in dab-demiska la xoojiyo iyo in la sameeyo xuduudo dabka joojiya (firebreaks).
Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa u diray deegaanka ciidamada Gurmadka iyo qalab culus, oo ay ku jiraan 50 gaari dab-demis ah, si ay ula shaqeeyaan dab-demisayaasha. Sidoo kale, diyaarado gaar ah ayaa lagu wargeliyay inay kasoo qayb qaataan daminta dabka, inkastoo cimilada daran ay caqabad ku noqotay.
Dabku wuxuu sababay in shan bulsho oo ku yaal galbeedka Qudus la daadgureeyo, iyadoo waddooyin muhiim ah la xiray. Ciidamada booliska ayaa ku baaqay in shacabka ay ka fogaadaan aagga uu dabku saameeyay.
Wasiirka Amniga Gudaha Itamar Ben Gvir ayaa sheegay in suurtagal ay tahay in dabka uu salka ku hayo falal lagu tilmaamay “dablaynimo (arson terror)”, iyadoo la xiray eedeysane laga qabtay bariga Qudus oo lagu tuhunsan yahay inuu isku dayay inuu gubo dhul.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa la xiriirtay dalal ay ka mid yihiin Giriigga, Talyaaniga, Croatia, iyo Faransiiska si ay uga helaan kaalmo degdeg ah. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa muujiyay taageero, isagoo ballan qaaday agab gargaar ah.
Israa’iil ayaa sidoo kale kansashay munaasabadaha dabaal-degga Maalinta Madax-bannaanida ee la qorsheeyay in la qabto Khamiista, si ciidamada dab-damiska loogu heli karo awood dheeri ah.