Netherlands oo meesha kaa saareysa naaneesteeda gaarka ah

Himilo- Dowladda Netherlands ayaa meesha ka saareysa magaca naaneesta u ah dalka oo ay dad badan u garanayaan laakiin waxay ilaashanaysaa magaceeda rasmiga ah.

Dad badan ayaa u yaqaana dalka dhaca galbeedka qaaradda Yurub magaca Holland laakiin magaceeda rasmiga ah waa Netherlands oo micno ahaan ka dhigan dhulka hoose.

Netherlands ayaa meesha ka saareysa magaca Holland laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota. Shirkadaha, safaaradaha, wasaaradaha, jaamacadaha iyo dukumenti kasta looma oggolaan doono in uu ku soo baxo Holland.

Xukuumadda Netherlands ayaa u qoondeysay 320,000 doolar ol-olaha loogu jiro sixitaanka magaca dalka heer caalami. Ol-olaha ayaa beegsanaya dalxiisayaasha oo si wanaagsan loo barayo magaca iyo dhaqanka dalka sida uu qoray wargeyska Sydney Montreal.

Go’aankan ayaa imaanaya kahor inta aysan Netherlands marti-gelin tartanka heesaha Yurub islamarkaana aysan ka qeybgalin cayaaraha olombikada ee la filayo in lagu qabto Tokiyo sannadka 2020-ka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan