Home / Macluumaad / Netherlands oo meesha kaa saareysa naaneesteeda gaarka ah

Netherlands oo meesha kaa saareysa naaneesteeda gaarka ah

Himilo- Dowladda Netherlands ayaa meesha ka saareysa magaca naaneesta u ah dalka oo ay dad badan u garanayaan laakiin waxay ilaashanaysaa magaceeda rasmiga ah.

Dad badan ayaa u yaqaana dalka dhaca galbeedka qaaradda Yurub magaca Holland laakiin magaceeda rasmiga ah waa Netherlands oo micno ahaan ka dhigan dhulka hoose.

Netherlands ayaa meesha ka saareysa magaca Holland laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota. Shirkadaha, safaaradaha, wasaaradaha, jaamacadaha iyo dukumenti kasta looma oggolaan doono in uu ku soo baxo Holland.

Xukuumadda Netherlands ayaa u qoondeysay 320,000 doolar ol-olaha loogu jiro sixitaanka magaca dalka heer caalami. Ol-olaha ayaa beegsanaya dalxiisayaasha oo si wanaagsan loo barayo magaca iyo dhaqanka dalka sida uu qoray wargeyska Sydney Montreal.

Go’aankan ayaa imaanaya kahor inta aysan Netherlands marti-gelin tartanka heesaha Yurub islamarkaana aysan ka qeybgalin cayaaraha olombikada ee la filayo in lagu qabto Tokiyo sannadka 2020-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan