Home / Habka-Nolosha / Neville: “Mourinho wuu kula guulaysan doonaa Man Utd Horyaalka.”

Neville: “Mourinho wuu kula guulaysan doonaa Man Utd Horyaalka.”

Muqdisho – Xagaaga cusub ayaa bilaaban doona kaliya siddeed maalin kadib, Premierleague.com ayaana waydiiyay saadaashiisha ku aadan xagaaga 2017/18 falanqeeyaha caanka ah ee Phil Neville.

Phil Neville ayaa lawaydiiyay dhowr su’aalood kuwaas oo ay ugu muhiim-sanaayeen, yaa ku dhamaysan kara boosaska ugu sarreeya? Yaa ku guulaysan kara gool-dhalinta? iyo waa kuma saxiixa sanadkaan ee ladaawn doono?

“Yaa ku dhamaysan kara afarta kaalin ee ugu sarraya horyaalka?” ayaa lawaydiiyay Phil Neville.

Wuxuu ku waabay “Manchester United, Manchester City, Chelsea and Arsenal.”

Wuxuuna meesha ka saaray kooxdii kaalinta labaad ku dhamaysatay xagaagi lasoo dhaafay ee Tottenham, wuxuuna afarta sare ka ilaaliyay kooxda Reds.

“Labada Manchester ayaa ku dagaallami doona horyaalka, laakiin waxaa ku guulaysan doona Jose Mourinho,” ayuu sii racsiiyay hadalkiisa.

“Yaa ka maqnaan doona?.

“Fikradayda Wembley wuxuu culays wayn ku noqon doona Tottenham Hotspur, baaxadda garoonka way ka badalnaan doontaa White Hart Lane.”

Mar la waydiiyay yaa layaab sameyn kara?.

Wuxuu si aan layaab lahayn  ugu saadaaliyay kooxda Everton isaga oo sheegay in ay ku dhamaysan karto meel kamid ah lixda sare.

“Yaa ku guulaysan kara kabta dhahanka?”

“Harry Kane ama Romelu Lukaku, makala dooran karo farqiga u dhexeeya labaadas. Ayu yiri.

“Waa kee saxiixa cusub ee la daawan doono?”

Bernardo Silva waa ciyaaryahan da’yar oo fantastic ah, waxay noqon doonta mid xiisa leh marka isaga iyo Leroy Sane ay kala fuulan baalasha Manchester City.

Ugu danbayn ayaa la waydiiyay yaa ku guulaysan kara abaalmarinta xiddiga ka yar 21-ka sano?.

Wuxuuna u saadaaliyay ciyaaryahanka Everton ee layiraahdo Jordon Pickford.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan