Home / Cayaaro / Neville oo u sheegay United inay la soo wareegaan shan xiddig kaddib guuldaradii West Ham

Neville oo u sheegay United inay la soo wareegaan shan xiddig kaddib guuldaradii West Ham

Himilo- Gary Neville ayaa sheegay in Manchester United ay u baahan tahay inay soo iibsato ugu yaraan shan ciyaaryahan kaddib qaab ciyaareedkoodii xummaa ee ay ku billowdeen xilli ciyaareedka Premier League.

Red Devils ayaa ku dhacday guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay London Stadium Axaddii, waxaana ay u dhacaan booska 8aad ee kala sarreynta, iyagoo dhibco la simman kooxda kaalinta 12aad ee Crystal Palace.

Manchester United ayaa qarash gareysay ku dhawaad 150 milyan ginni inta lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagaan laakiin Neville ayaa sheegay in kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay weli u baahan yihiin inay ku xoojistaan ‘shan ama lix’ ciyaartoy oo cusub safkooda.

Isagoo ka jawaabaya guuldaradii United ka soo gaartay West Ham, Neville wuxuu yiri: “ Ole wuu garowsan doonaa inay taasi tahay shaqo aad u liita iyo inuu qabto shaqo badan.

Waxay u baahan yihiin labo qadka dhexe ah, weeraryahan si ay u qaadaan safka hore, iyo daafac bidix. Way ogyihiin waxa ay doonayaan taageerayaashuna way ogyihiin taas.

“Laakiin waa inay ahaadaan nooca saxda ah. Waxay qaadan kartaa 18 bilood in la helo ciyaartoydii aad dooneysay. Waxaan doonayay in United ay guuleysato maanta laakiin la yaab iguma ahan. La yaab iguma ahan in West Ham shaqo ka qabatay iyaga.

West Ham ayaa u kacday kaalinta shanaad ka dib markii ay garaaceen Manchester United halka Neville uu aaminsan yahay in Hammers ay u tartami karto lixda boos ee ugu sareysa xilli ciyaareedkan.

Kooxda Solskjaer ee United ayaa wajaheysa kooxda League One Rochdale kulanka EFL Cup fiidnimada Arbacada, ka hor inta aysan ku soo dhaweyn Old Trafford kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal isbuuca soo socda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan