Muqdisho – Manchester United waa inay bedeshaa qaab-ciyaareedka ay kula dheesho kooxaha waaweyn haddii ay doonayso inay ku guuleysato horyaalka PL, Gary Neville.
Kooxda lagu naanayso Shayaadiinta Cas ayaa xilli ciyaareed fiican kula kowsatay horyaalka PL iyo midka horyaallada Yurub.
Waxay kulankii shalay fursad laba dhibcood Manchester City u siiyeen inay ku qabato horyaalka kadib markii ay barbar dhac la gashay Liverpool.
“Waxay u baahan tahay inay sare u dhigto heerka ciyaareed ee kulamada waaweyn haddii ay doonayso inay ku guulleysato horyaalka,” ayuu yiri Neville.
“Waa inay isku diyaariyaan kahor taga weerarada adag ee kooxaha waaweyn.”