Home / Macluumaad / New York oo laga mamnuucay in bisadaha laga bixiyo miciyaha!

New York oo laga mamnuucay in bisadaha laga bixiyo miciyaha!

Himilo -New York ayaa noqotay magaaladii ugu horreysay ee Mareykanka ah oo si rasmi ah u mamnuucday in miciyaha laga saaro bisadaha iyadoo xilli hore laga muujiyay cabasho xooggan.

Dalal badan oo dunida ah ayaa mamnuucay in miciyaha laga siibo xayawaankan iyadoo magaalooyinka Mareykanka muujiyeen sida uu xadgudub u yahay falka xannuunka leh.

Heshiiska xuquuqda xawayaanada dab-joogta ah ee Yurub ee uu ansixiyay golaha qaaradda sannadkii 1987-dii ayaa xanibaya in miciyaha laga saaro xayawaanada, waxaa meelmariyay ku dhawaad 24 dal oo Yurub ah.

Andrew Cuomo oo madax ka ah New York oo saxiixay sharciga uu ansixiyay baarlamaanka Newyork ayaa sheegay in falka lagula kaco bisadaha uu yahay mid naxariis darran  

“Waxa uu sahlayaa sharciga in aysan xayawaanada la kulmin dhibaato,” ayuu u sheegay Andrew wakaalada AFP.

Kooxaha difaacaya in bisadaha laga saaro miciyaha ayaa tilmaamay in xayawaanka uu la kulmi karo dayac marka uu leeyahay miciyo maadaama aysan rabaayad ka dhiganeyn qoysaska.

Dhaqaatiirta xawayaanada ayaa xusay in mararka qaar waajib noqonayso in miciyaha laga siibo xayawaanada.

Tirakoobyo ayaa muujiyay in 25% qoysaska Mareykanka inay bisadaha ka dhigtaan rabaayad kula nool guryaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan