Home / Cayaaro / Newcastle oo dooneysa laacib katirsan Liverpool

Newcastle oo dooneysa laacib katirsan Liverpool

Himilo – Cayaaryahankii hore ee Stoke City ayaa ku guuldareystay in uu boos joogto ah ka helo kooxda uu leyliyo tababare Jurgen Klopp isaga oo keliya qeyb ka ahaa lix kulan oo horyaalka ah.

Qandaraaska Shaqiri ee Liverpool ayaa ku eg xagaaga 2023-ka laakiin Reds ayaa dooneysa inay iibiso laacibka reer Switzerland si ay u soo iibsato weeraryahanka  kooxda RB Leipzig ee Timo Werner.

Sida laga soo xigtay The Daily Mail, Newcastle ayaa goor sii horreysay xiriir la sameysay wakiillada Shaqiri si looga wada hadlo suurtagalnimada heshiis kooxda kula wareegi karto laacibka.

Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in Liverpool dooneyso inay iibiso cayaaryahanno badan sida Adam Lallana oo ka tagaya Anfield si ay isugu dheeli-tirto dhaqaalaheeda xilligan oo uu taagan yahay xannuunka Karoona.

Shaqiri ayaa dhaliyay toddobo gool 40 kulan oo uu ka soo muuqday Liverpool tan iyo sannadkii 2018-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan