Home / Cayaaro / Newcastle oo laga iibinayo bilyaneer u dhashay Imaaraadka Carabta

Newcastle oo laga iibinayo bilyaneer u dhashay Imaaraadka Carabta

Himilo FM –Mike Ashley ayaa ogolaaday inuu Newcastle  kaga  iibiyo 350 milyan oo ginni ninka ay  ilmo adeerka yihiin milkiilaha kooxda Manchester City Sheikh Mansour.

Ashley ayaa si rasmi ah usoo bandhigay in uu iibinayo  Newcastle bishii October 2017 laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu helo qiimaha uu ku doonayay .

Hase yeeshee, The Sun ayaa hadda sheegeysa in Ashley uu heshiis la galay billionaire-ka Dubai Sheikh Khalid bin Zayed Al Nahyan.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in qandaraasyo kale uu ka gudbiyay kooxo kale oo Premier League-ga.

Sheekh Khaled bin Zayed Al Nehayan ayaa horay iskugu  dayay inuu iibsado Liverpool bishii Agoosto laakiin waxa uu ku guuldareystay lacag dhan £ 2 bilyan ah oo lagu doonayay.

Newcastle ayaa ku dhameysatay kaalinta 13aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin weli ma aysan ogolaanin heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Rafa Benitez.

Qandaraaska  ninka reer Spain ayaa la filayaa inuu dhaco xagaagan, lakiin waxa uu wadahadalo kula jiray kooxda oo ku aadan inuu sii joogo St James Park.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan