Home / Habka-Nolosha / Neymar: “Barcelona way ka adkaan kartaa Juventus.”

Neymar: “Barcelona way ka adkaan kartaa Juventus.”

Muqdisho – Neymar ayaa ku niyad-weyn in Barcelona ay sameyn karto dib usoo laabasho kale oo cajiib leh si ay u gaaraan afar-dhamaadka koobka Champion League.

Barca ayaa wajahaysa Juventus habeenka Arbacada – iyada oo maanka ku haysa inay sameyso goolal ka badan 4, maadaama 3-0 looga soo adkaaday lugtii ay Talyaaniga kusoo ciyaareen.

Paolo Dybala ayaa laba gool ku hubsaday shabaqa naadiga Barcelona lugtii hore. Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa ku garab-taagan kooxdiisa inay mar labaad sameyn karaan soo kabsasho layaab leh marka ay la kulmaan wiilasha Massimiliano Allegri.

“Waa inaynu aaminnaa inaan sameyn karo wax kasta,” Neymar ayaa u sheegay Canal Esporte Interativo. “Haddii wax kasta ay ku tagaan si fiican, Barca way soo laaban kartaa. Waxaan ku kalsoonahay kooxdayda iyo kartideeda.”

Neymar ayaa intaas ku daray: “Juventus waa koox weyn; aadna u dhisan.Wayna adkaan doontaa inaan gacan maroojino.”

“Waa isla xaaladdii aan ku qaabilnay PSG. Waxaan heysannaa 1%; 99% waxay ku jirtaa shaqo, kalsooni iyo hadaf. Wayna dhici doontaa.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan