Muqdisho – Guushii Barcelona ay 4-1 ku dhifatay dhiggeeda Granada ayaa ka dhigan in laacibka Neymar uu tiigsaday dhalinta goolkiisa boqolaad taniyo markii uu yimid gegida Camp Nou.
Ku dhalinta 100 gool gudaha 177 kulan oo uu Barcelona u saftay waxay macno sameysay marka dhiggiisa ay wada dheelaan ee Lionel Messi uu 100 gool ku dhaliyay 188 kulan gudahod.
Goolasha uu u dhaliyay naadigiisa ayaa kala ah: 64 gool oo La Liga Spain ah; 21 gool Champion League ah; 14 gool Copa del Rey iyo 1 gool oo Spanish Supercopa ah.
Wuxuuna goolkiisii boqolaad ugu dabaal-degayay muuqaal uu u diyaarsanaa.
Taniyo markii uu Barcelona kaga soo biiray Santos sanadkii 2013-ka, Neymar wuxuu noqday indhaha taageerayaasha. Tani waxaa maragteeda furay mid kamid ah taageerayaasha oo markii uu dhaliyay goolkiisii boqolaad ciyaartii Granada kusoo orday si uu ula dabaal-dego.
Hayeeshe waxay ahaayeen laacibiinta kooxda kuwa uu doortay inuu siiyo mahad-celintiisa gaarka ah.
“Waan ku faraxsanahay inaan dhaliyo goolkaygii boqolaad. Waxaana dadaalkaas igu garab-galay saaxiibadayda,” ayuu yiri. “Waxaan kale oo aan ku faraxsanahay guusha aan gaarnay taas oo aad muhiim noogu ah. Midna kama tilmaami karo goolashii aan dhaliyay; waayo dhamaantood waxay ahaayeen muhiim; hayeeshe midka ugu fiican wuxuu ahaa keygii koobaad ee Super Cap-ka”