Himilo- Neymar ayaa dooneynin inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Paris Saint-Germain.
Tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaa jiray warar isdaba joog ah oo la xiriira ku laabashada Barcelona, kaliya labo sano ka dib markii uu ka soo tagay Camp Nou una dhaqaaqay Parc des Princes.
Iyadoo weeraryahanka uu heshiis kula jiro ilaa 2022, ma jiro wax heshiis ah oo uu qabtay intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga, halka PSG ay u badan tahay inaysan iibin doonin 27 jirka bartamaha xilli ciyaareedkaan.
Si kastaba ha noqotee, Sport ayaa sheegeysa in Neymar uusan ka fiirsan doonin inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka Ligue 1, iyadoo aan loo eegin inuu ku qasbay inuu ugu yaraan hal xilli ciyaareed ku qaato caasimada France.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in weeraryahanku uu weli doonayo inuu dib ula midoobo Barcelona.
Neymar ayaa u saftay PSG kaliya shan kulan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay afar gool.