Home / Cayaaro / Neymar oo hal shuruud ku joogi kara Paris Saint-Germain

Neymar oo hal shuruud ku joogi kara Paris Saint-Germain

Himilo – Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu ka arrinsanayo qandaraas cusub oo uu qalinka ugu duugo kooxda Paris Saint-Germain oo diyaar u ah inay ka jawaabto dalabaadka lacageed ee laacibka.

Cayaaryahanka qaranka Brazil ayaa si weyn loola xiriiriyay in uu ku laaban karo Barcelona xagaagii tagay laakiin kooxda reer Spain ma aysan la imaan heshiis.

Lionel Messi ayaa dhawaan ka hadlay soo laabashada laacibka ee Camp Nou dhammaadka xilli cayaareedka 2019-2020 xilli khadka dhexe ee Real Madrid Casemiro uu sheegay in uu jeclaan lahaa in Neymar uu yimaado Bernabeu.

Laacibka koonfurta Ameerika ayaa la tilmaamayaa in uu u furan yahay qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo magaalada Paris haddii kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ka jawaabeyso dalabaadkiisa xagga mushaarka sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Neymar ayaa dhaliyay 16 gool isaga oo sameeyay 10 caawin ah 19 kulan oo uu u saftay PSG xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan