Home / Habka-Nolosha / Neymar oo hesiiska shaqsiga ah la gaaraya Paris Saint-Germain.

Neymar oo hesiiska shaqsiga ah la gaaraya Paris Saint-Germain.

Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Neymar ayay wararku sheegayaan in uu heshiiska shaqsiga ah la meel-dhigay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain iyada oo ku qaadan doonta lacag rikoorka kala iibsiga ah.

Xiddigan u dhashay Brazil ayaa saarnaa ciwaannada sare ee wararka suuqa toddobaadyadii dhawaa, kadib markii la xaqiijiyay in kooxda PSG ay isku diyaarinayso inay Barcelona uga soo qaadato lacag gaaraysa £199 Million oo lacagta Ingriiska ah una dhiganta €222 milyan oo lacgata Yurub ah.

Sida ay warinayso RMC oo kasoo baxda Faransiiska, Neymar aabihiis ayaa horumar ka sameeyay wada-hadallada arrintan, isaga oo oggolaaday in uu wiilkiisu saxiixo heshiis shan sano ah.

25 jirkan ayaa heli doona lacag gaaraysa £27 milyan sanadkii oo ay banaan ka tahay canshuurta caasimadda Fransiiska.

Wararka qaar ayaa sheegaya in heshiiska lagu dhawaaqi doono aroorta hore ee maalinta Talaadada ah isbuuca soo socda.

Xaaladda mustaqbal ee Neymar ayaa faraha ka sii baxday kadib markii ay tababarka iskula dhaceen dhawaan galka cusub ee Barcelona, Nelson Semedo.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan