Home / Habka-Nolosha / Neymar oo masaxay warar sheegaya inuu ka tagayo Barcelona.

Neymar oo masaxay warar sheegaya inuu ka tagayo Barcelona.

Xiddiga Barcelona ee Neymar ayaa beeniyey wararka sheegaya in uu ogolaaday ku biirsta Paris Saint-Germain oo la wariyay in ay xiddigaan ku qaadan doonto lacag Rikoor ah.

Saxaafadda Brazil ayaa carabawday in 25jirkaan uu aqbalay in uu u dhaqaaqo horyaalka Farance ee Ligue 1 iyo kooxda PSG oo horay loola xariirinayay xiddiga Arsenal ee Alex Sanchez.

Waxaa la’aaminsanaa in kooxda Caasimada France ay xiddigaan u diyaarisay €222Million oo u dhiganta (£195.2m) si ay xidagaan kaga dhigto laacibka ugu qaalisan kubadda cagta.

Sida ay wararku sheegayaan  haddii uu heshiiskan dhaqan gali lahaa  waxaa burburi lahaa rikoorka ah £89Million ee uu Paul Pogba oo haysta xiddiga  ugu qaalisan kubadda cagta dunida  kaas oo dib ugu soo laabtay Manchister United xagagii lasoo dhaafay.

Neymar ayaa waayo qurxoon ku haysta Barcelona isagoo ku soo biiray xagaagii 2013 kagana yimid kooxda Santos ee ka dhisay horyaalka wadankiisa Brazil.

“Kii ugu dambeeyay waxa uu ahaa sanadkaygii ugu wanaagsanaa ee Barcelona. “Aad ayaan ula qabsaday magaalada iyo kooxda waan ku faraxsanahay”. Neymar ayaa sidaas u sheegay Goal.com.

Neymar waxa uu ka mid yahay laacibiinta ugu muhiimsan ee Barcelona marka laga soo tago Lionel Messi waa shaqsiga ay daawadaan taageerayaasha kooxda Reed and Blue.

Guillem Balague ayaa yiri “ Neymar aabihiis ayaa u xaqiiqiyay Barcelona in wiilkiisu uusan doonayn in uu ka tago  Nou Camp”.

Xiddigaan reer Brazil ayaa 68 gool ka dhaliyey  La Liga afar sano oo uu ku sugan yahay Barcelona.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan