Home / Cayaaro / N’Golo Kante oo ka dhawaajiyay in uu sii joogayo Chelsea

N’Golo Kante oo ka dhawaajiyay in uu sii joogayo Chelsea

Himilo- Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa soo jeediyay inuu si macquul ah u arki karo inta ka hartay mustaqbalkiisa Chelsea.

Isagoo ku guuleystay labo horyaal oo Premier League intii uu England joogay, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu u wareegayo Real Madrid ama Paris Saint-Germain.

Si kastaba, inkasta oo soo jiidashada muuqata ee labada naadi, Kante ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu sii joogo Chelsea ilaa ugu yaraan 2023.

Markii la weydiiyay hadii uu isku arko Blues xilli ciyaareedka soo socda, 28 jirkan ayaa u sheegay Telefoot: “Dabcan, maanta waxaan la joogaa Chelsea ilaa 2023.

“Markaa, madaxayga waxaan rajeynayaa inaan sii wado xilli ciyaareedyo fiican oo aan la sii joogo Chelsea ilaa 2023.”

Dhaawacyada ayaa Kante ka mamnuucay safashada kulamo badan kaliya 7 kulan ayuu tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan dheelay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan