Home / MAQAALO / Nidaamka Calmaaniyadda Qabiilka.

Nidaamka Calmaaniyadda Qabiilka.

Muqdisho – Mar alaaliyo markii waddanka uu gudo-galay marxaladdii burburka, waxaa jab ku yimid oo dowladii la burburay nidaamka lagu xukumo oo dowlad walbo ay qasab ahayd inay ku ilaaliso waddanka. Waxaana uu ahaa kii hore hanti-wadaag oo la isku waafaqsan yahay dhibaatadiisa inay ka badnayd faa’iidadiisa.

Burburkii kadib, koox walba oo rabtay inay ka qeyb-qaadato maamulka waddanka waxa ay soo ban-dhigtay mashruuc maamul oo nasiib-xumo mar walbo ku saleysnaa qabiil iyo qabyaalad. Mashruucyadoodaas qabyaaladda ku salaysan ayaa ay dhacaysay illaa iyo haddana dhacdaa in wadanka lagu maamulo.

Nidaam walbo oo ku saleysan horumarinta maslaxad koox gooni ah suurto-gal ma ahan in uu sii socdo ama natiijo fiican laga helo kuna sii darso midka qabyaaladda ee maamullada Soomaaliya wax ku maamulaan inuu kahor imaanayo mabaadii’da bani’aadanimada iyo tan Islaamka, waxa uuna ka qeyb qaadanayaa in umadda ay sii kala go’do oo ay u arkaan iyaga oo hal dhul ku nool inay kala leeyihiin masaalix kala duban.

Iyadoo aan ahay qof wali ay ku yar tahay qibrad siyaasadeed, haddana aqriska iyo fiirfiirinta xaaladda waddanka waxa ay iga dhigtay inaan ka mid noqdo dadka raadinayo nidaam maamul oo dalka lagu dhaqo kaas oo tiirarkiisu noqonayaan sinnaanta umadda iyo helidda cadaalad, halkaan markii aan joogno waxaa jiray nidaam lagu magacaabo calmaani oo hadal-heyntiisii koobaad ay so bilaabatay qarnigii saddex iyo tobnaad, hayeeshe nidaam ahaan uu soo shaac-baxay qarnigii toban iyo toddobaad.

Nidaamkan oo kasoo jeeda dhinaca Reer Galbeedka, sababahii keenay baahidiisa waxaa ugu waaweynaa labo arrin oo kala ah:

  • Qooqii ay qooqeen culumada diinta: madaama ay dadka ku qasbeen fikirka ah wadaad diimeedka in uu yahay nin wax walba uu sameeyo ay sax yihiin.
  • Dagaalkii u dhexeeyay wadaaddada diinta iyo culumada cilmiga: dagaalkan oo dhashay ka dib markii ay u arkeen wadaad diimeedyadii culumada cilmiga inay furayaan caqliga dadka oo sidaas ay kusoo yaraan karto awoodda wadaad diimeedka.

Sababahaas waxay ka dhigtay inay soo baxaan dad u ol’oleynayo nidaam kala xadeynaya diinta iyo maamulka: arrimaha dadka iyo waddanka – iyada oo la isku iqtilaafsan yahay guud ahaan aragtida nidaamkan calmaaniga ah ayaa haddana marxaladdan Reer Galbeedka waxa ay uga soo baxeen nidaam ey hoggaaminayeen wadaado diin sheeganayo hase yeeshee gacan bidixeeyay waajibaadka dowladda iyo danta dadka iyo howlahooda.

Marka aan u soo jeesanno xaaladda wadankeenna, kama dheero xaaladdaas: maxaa yeelay wali nidaamkiisa waxaa lug ku leh oday dhaqameed qooqay oo hadafkiisu yahay ilaalinta jagada qabiilka uu ku dhex leeyahay iyo qab-qablayaal qabiil oo marna fursad aan siinayn qofka raba inuu umadda samata-bixiyo.

Sidaas darteed, waxaa fiican dalku in uu qaato nidaam lagu magacaabo calmaaniyada qabiilka oo hadafkiisu yahay in la kala saaro siyaasadda iyo qabiilka oo dowladda shaqada ay ku bixiso yaa qaban karo howshan meeshii ay ka aheyd – yaa reer hebel ah oo qaban kara?!

Qoraa: Abdinaasir Shide Cali Kabe.

Kala xiriir: naasirshide@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan