Himilo- Koox lagu tuhmayo inay yihiin burcada Internet-ka ayaa lawareegay lambarka WhatsApp ee Umo Eno, guddoomiyaha gobolka Akwa Ibom ee Nigeria, kaas oo ah gobolka ugu qanisan dalka.
Dadka ayay lacag weydiisanayaan iyagoo fariimo u diraya, illaa horaantii todobaadkan.
Gobolka Akwa Ibom, oo ku yaala koonfurta Nigeria, waa gobolka saddexaad ee ugu qanisan dalka, GDP-ga sanadlaha ah ee gobolkaa uu soo xareeyo waa $19 bilyan oo doller.
Umo Eno, waxaa xilka loo dhiibay sanad ka hor waxa uu dalka ku leeyahay taageerayaal badan madaama uu ahaa baadari asaasay hay’adda All Nations Christian Ministry International.
Dadbadan oo kamid ah saaxiibadiisa ayaa fariimo loo diray iyadoo laweydiinayo lacago,