Home / Macluumaad / Nin 71 Jira oo Guursaday Haweenay 114 jir ah.

Nin 71 Jira oo Guursaday Haweenay 114 jir ah.

Is calmadayaashan ayaa waxa ay si wada jir ah u sheegeen in Marna aysan ka daalin haleelidda jaceylkooda ka hor inta guurkooda aan lagu dhawaaqin.

Waxaa lagu kala magacaabaa Zheng iyo Zhang Shuying xiriirkooda waxaa la sheegay inuu socday hal sano iyo wax ka badan.

a

http://radiohimilo.so

Labadan lamaane ayaa is jeclaaday markii Zheng lagu amray inuu u guuro xarun caafimaad oo ku taala degmo Bchu ee dalka Shiinaha .

Zheng waa curyaan waxa uu shil tareen galay kahor 50 sano waxa uu ku tilmaamay arooskiisa mid isaga daryeel u sahli doona markii ugu horeysay.

Waxa uu sheegay markii uu tagay guri ku yaala xarunta la geeyay  in uu ka helay gabadha Bini aadanimadeeda iyo wax garadnimadeeda.

Mss Zhang ayaa waxa ay sheegtay inay isku hawl jirtay inay xiriir la sameyso ninkaasi oo ka yar 43 sano waxa intaa ku dartay iney nin da’daa ka weyn aysan rajeyn.

Isku daygeedii xaqiiqidii waxa uu noqday mid guuleystay oo ninkeeda waxa uu ka yar yahay 43 sano waxa ayna sheegtay inay hadda hanatay.

Guurkooda waxaa lagu diwaan galiyay xafiis maxali ah oo ay leedahay dawladda Shiinaha waxaana la siiyey shahaado muujineysa guurkooda.

Kadib meherkooda Mr Zhen ayaa waxa uu yiri “Aniga waxaan aheyn mid aan wax baran oo sabool ah,shilkii tareenka ee aan galay xilli aan jiray 20 sano ayaan ku waayey labadeyda  lugood,Marna kumaan riyoon inaan maalin la kulmi doono farxadan oo kale,”.

Zheng waxa uu sheegay in hadda ay dhameystiran tahay xilli muddo sida uu caddeeyay uu raadinayay cid la wadaagta nolosha,waxa uu ballan ku qaaday in uu xanaaneyn doono xaaskiisa.

Sheekada labadan lamaane ayaa waxa ay noqotay mid dad badan xiiso,iyo yaab ku reebtay waxaana wax ka qoray bogag aad u fara bada.

 

W/T:-Axmed Haadi

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan